Maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu wadaa inay 24-ka bisha 11-aad ee sanadkan go’aan ka soo saarto dacwado looga soo horjeedo dhaqangelinta xeerka maaliyadda sanadkan ee Finance Act 2023 .
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo ay soo magacawday madaxa cadaaladda dalka Martha Koome kuwaasoo kala ah David Majanja ,Christine Meoli iyo Lawrence Mugambi ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga 12 dacwadood oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda.
Waxaa isla maalinkaasi lagu dhawaaqi doonaa go’aanka kiis ka dhan ah Agaasimaha guud ee maamulka tamarta iyo batroolka dalka ee (EPRA), Daniel Kiptoo.
Agaasimaha ayaa loo haystaa inuu dafiray amar maxkamadeed oo lagu hor istaagay dhaqangelinta xeerka maaliyadda oo uu kordhiyay qiimaha canshuurta shidaalka.
Dacwadda ka dhanka ah madaxa EPRA waxaa maxkamadda geeyay senatarka ismaamulka Busia , Okiya Omtatah.
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo 24-ka bisha 11-aad go’aan ka gaareysa dacwadaha xeerka maaliyadda