Maxkamadda sare ee Soomaaliya iyo waxyaabaha ka cusub kiiska Sayid Cali

0
467

Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya ayaa maanta fadhigii koowaad oo rasmi ah ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.
Fadhiga oo maanta uu guddoomiyay Baashe Yuusuf Axmad oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa waxaa ka qayb galay xeer ilaalinta qaranka, qareennada difaacaya Sayid Cali, ehellada iyo warbaahinta.
Ugu horreyn waxaa fursad la siiyay qareennada oo sharraxaad ka bixiyay sababaha ay mar kale u soo qaateen racfaanka, waxayna ku celiyeen dooddoodii hore ee ahayd in aanu si kas Luul Cabdicasiis u gubin seygeeda Sayid Cali oo isna goobjoog ahaa maxkamadda.
“Marqaatiyaashii iyo Dhakhaatiirtii gacanta ku haysay Marxuumad Luul midna ma sheegin in uu Sayid Cali dilay xaaskiisa” ayuu ku dooday Abuukaate Cali Xalane.
Sidoo kale waxaa jiray dood kulul oo dhexmartay Abuukaataha iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare, taas oo ku aadaneyd sababaha uu cuksanayo dooddiisa.
“Lama yaqaano Luul waxay u dhimatay halkee ka keenteen iyadoo dhakhaatiirtu sheegeen inay u dhimatay gubasho? Ma Ciddii falka sameysay ayaa la la’yahay? ayuu yiri guddoomiye Baashe
Dhankiisa Xeer ilaaliye ku xigeenka Yaxye Maxamuud oo Maxkamadda ka hor hadlay ayaa isna soo celiyay isla doodihii hore, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay baarista ay sameeyeen muuqaalka guriga oo ay heleen, dadka ay wareysteen oo ay ku jiraan dhaqaatiirta.
”Waxaan maxkamadda keenay markhaatiyaal nool nool oo cadeynaya in ay maqlayeen AUN marxuumad Luul oo leh walaalow ha igubin miyaadan muslim ahayn oo ashahaadaneyso”
Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray guddoomiye Baashe Yuusuf oo sheegay in fadhi kale la isugu imaan doono, islamarkaana ay doodda halkeeda ka sii socon doonto.