Maxkamadda sare ee Pakistan oo amartay in xabsiga laga siidaayo Imran Khan

0
192

Maxkamadda sare ee magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa maanta amartay in xabsiga laga siidaayo ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Imran Khan oo la xiray Talaadadii.
Waxay maxkamaddu Khan u oggolaatay inuu labo toddobaad damaanad ku joogo bannaanka.
Imran Khan oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee PTI ayaa waxaa maalmo ka hor xiray saraakiisha waaxda qaran ee Pakistan u qaabilsan isla xisaabtanka ee(NAB).
Waxaa lagu eedeyay inuu iibsaday hadyado ay wufuud shisheeye siiyeen dowladda Pakistan xilligii uu ra’iisul wasaare ahaa in kastoo uu eedeyntaasi iska fogeeyay.