Maxkamadda racfaanka oo joojisay lacag dhan 7.9 milyan oo la siin rabay shacabka Gaarisa oo dacwad ka gudbiyay militariga

0
452

Maxkamadda Racfaanka ayaa soo saartay ammarro lagu hakinaayo xukun ay hore u soo saartay Maxkamadda Sare oo ahaa in 5 qof oo ka mid ah dadka deegaanka Gaarisa lagu awaal mariyo lacag dhan 7.9 milyan oo shillin ka dib markii ay dacwad ka gudbiyeen ciidamada militariga waddanka.
Tani ayaa waxaa ay daba socotaa racfaan ay qaadatay dowladda oo lagu doonayay in la joojiyo bixinta magdhawga ka dib markii ay Maxkamadda Sare ay ciidamada ku heshay dambiga ah inay rasaas ku fureen dad rayid ah.
Amarka Maxkamadda Racfaanka ayaa dhaqan geli doonaa ila maxkamadda ay go’aan ka gaarto.
Waxaa awaamiirtan soo saaray garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka ee kala ah Gatembu Kairu, Fred Ochieng, iyo Aggrey Muchelule.
Dacwadda racfaanka oo ay soo gudbiyeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dorcas Oduor, Wasiirka Gaashandhigga dalka Soipan Tuya iyo Agaasimaha Xeer Ilaalinta Renson Ingonga, ayaa ku dooday in Maxkamadda Sare ay go’aan gaartay iyadhoo aan la hor keenin cadeymo ciidamada la xiriirinaayo dhacdada.
Kiiskan ayaa ka dhashay dhacdadii 2017-kii oo dhibanayaasha ay ku eedeeyeen in militariga Kenya ee KDF ay rasaas ku fureen xilli ay gaarigooda ku hagaajinayeen magaalada Gaarisa. Dhacdadan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidanka ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin arrintan, iyagoo sabab uga dhigaya la’aanta cadaymo ku xiraya gaadiidkooda ama shaqaalahooda weerarka.