Maxkamadda oo xafiiska ODPP-ga u qabatay 30 maalmood si uu u soo gudbiyo cadeymo ka dhan ah barasaab Barchok

0
368

Maxkamadda la dagaalanka musuq maasuqa ayaa ku amartay xafiiska xeer ilaaliyaha guud in uu ku keeno cadeymo dukumeenti ah oo ku saabsan kiiska musuqmaasuqa ee ka dhanka ah barasaabka ismaamulka Bomet Hillary Barchok muddo 30 cisho ah.
Inta lagu guda jiro sheegashada kiiska, xeer ilaalinta ayaa ku wargelisay Garsooraha Maxkamadda Celesa Okore in dukumeentiyada ku lugta leh ay yihiin kuwo aad u badan oo u baahan waqti si ay u ururiyaan oo ay u gudbiyaan.
Waxaa ay codsadeen muddo 30 maalmood ah si ay qareenada difaaca ugu soo bandhigaan dhammaan bandhigyada la xiriira iyo caddaynta dukumeentiga ah.
Qareenada difaaca oo kala ah Edward Oonge iyo Isa Masur, ayaa si kastaba ha ahaatee, waydiistay maxkamadda inay amarto xeer ilaalinta inay ku keento cadaymaha nuqul adag halkii ay ka ahaan lahayd nuqul fudud.
Maxkamadda ayaa waxaa ay aqbashay codsigii xeer ilaalinta waxaa ayna amartay in dukumeentiyada lagu keeno muddo 30 maalmood gudahood ah.
Kiiskan ayaa markale la soo hadal qaadi doonaa 28-ka October si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta awaamiirta maxkamadda.
Guddoomiye Barchok ayaa wajahaya eedeymo la xiriira iska horimaad dano, hanti si sharci darro ah uu u helay, iyo isticmaalka lacagaha dambiyada ah oo gaaraya 2 milyan oo shillin.