Maxkamadda oo u yeertay mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha

0
667

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i, agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Mr. George Kinoti iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa laga dalbaday in ay berri ka soo hormuuqdaan maxkamadda ismaamulka Kiambu.
Mas’uuliyiintan ayaa la filayaa in ay faahfaahin ka bixiyaan halka uu ku dambeeyay muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Salaxuddin Gulen kaasoo sida la sheegay 3-dii bishan laga afduubtay magaalada Nairobi.
Waxaa amarka loogu yeeray wasiirka , Kinoti iyo Mutyambai soo saartay garsoore Mary Kasango oo ka howlgasho maxkamadda saree ee Kiambu.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib dacwad ay gudbiyeen qareennada shirkadda bixisa adeegyada sharciga ee Rachier & Amollo .
Wararka ayaa intaa ku daraya in Salaxuddin oo ay qaraabo yihiin Fetxullahi Gulen oo dowladda Turkiga ay ku eedeysay inuu soo abaabulay iskuday afgembi oo wadankaas ka dhacay sanado ka hor la kaxeystay xilli uu ku wajahnaa xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka.