Garsoore heer federaal ah ayaa hor istaagay isku daygii Donald Trump uu ku doonayay inuu ku xaddido qaadashada dhalashada Mareykanka .
Go’aankan ayaa muddo 14 cishe ah lagu hakiyay dhaqangelinta mid ka mid ah amarradii madaxweyne ee dhaliyay muranka badan ee uu Donald Trump saxiixay saacado un ka dib markii uu 20-kii bishan mar labaad la wareegay hoggaanka Maraykanka.
John Coughenour oo ah garsoore degmo ayaa sheegay in amarkan uu yahay mid sharci darro ah.
Trump ayaa saxaafada u sheegay in maamulkiisu uu racfaan ka qaadan doono xukunka.
Dhinaca kale ,waaxda cadaaladda Mareykanka ay xustay inay difaaci doonto amarka madaxweynaha kaasoo afhayeen u hadlay uu sheegay inuu si sax ah u fasirayo dastuurka Mareykanka.
Qaadashada dhalashada Mareykanka ayaa waxaa lagu cadeeyay dastuurka dalkaasi sida uu dhigayo isbeddelka 14-aad kaas oo qeexaya in qof kasta oo ku dhashay gudaha Maraykanka uu yahay muwaadin.
Qodobkan ayaa qayb ahaan dhigaya in dhammaan dadka ku dhashay ama qaatay dhalashada Maraykanka iyadoo lagu saleynaya xeerarka dastuuriga ay yihiin muwaadiniin.