Maxkamadda oo sharci darro ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee 2023

0
222

Maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023.
Tani ayaa loo aaneeyay qaladaad la xiriiray qaabkii loo meel mariyay.
Waxaa go’aankan soo saaray guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah Kathurima M’inoti, Agnes Murgor iyo John Mativo.
Xaakinnada ayaa hoosta ka xarriiqay in ay jireen isbeddelo dib looga soo daray xeerkan ka dib markii dadweynaha laga qayb geliyay sida kordhinta canshuurta dakhliga ee VAT.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in isbeddelladan dheeraadka ah aan dadweynaha loo bandhigin sida uu dastuurka qabo taasi oo sharci darro ka dhigaysa nidaamkan maaliyadeed.
Hasa ahaate, xildhibaannada baarlamaanka ayaa waaxda garsoorka ku dhaliilay go’aanka ay soo saartay waxayna ku eedeyeen in ay carqaladeynaysa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichungwah ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda uu walaac ku beeray.
Waxaa uu waaxda cadaaladda ee qaranka ku eedeyay in ay ka tallaabsanaysa waajibaadkeeda shaqo.
Tani ayaa caqabad dheeraad ku ah maamulka madaxweyne William Ruto oo dhawaan meesha ka saaray hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ka dib markii ay kenyaanka si wayn uga soo horjeesteen.