Maxkamadda oo sharci darro ku tilmaantay in la dayaco ehellada 60 sano jirka ah

0
229

Maxkamadda Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa sheegtay inay sharci darro tahay oo qofka lagula xisaabtami karo inuu dayaco ehelladiisa ay da’doodu tahay 60 sano iyo wixii ka sarreeya.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Anthony Charo Mrima.
Xaakinka ayaa sheegay in xubnaha qoyska ay waajibaad dastuuri ah ka saaran tahay inay waayeelladooda u fidiyaan caawimaad iyo daryeel macquul ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qofkii aan arrintan tixgelin isagoo aan haysan qiil caqli-gal ah inuu sameeyay xadgudub ka dhan ah dastuurka.
Go’aanka garsooraha ayaa salka ku hayay muran ka dhashay qaybsashada hanti uu ka tagay nin lagu magacaabi jiray Muiruri Kamau Gichuri.