Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar hakinaya go’aankii uu maamulka isgaarsiinta waddanka ee CA uu shalay warbaahinta uga mamnuucay in ay si toos ah u tabiyaan dibadbaxyada.
Garsoore Chacha Mwita ayaa hoosta ka xarriiqay in amarkaasi uunan shaqeyn karin ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo laga soo gabagabeynaya dacwad looga soo horjeedo oo maxkamadda loo gudbiyay.
Xaakinka ayaa sidoo kale maamulka isgaarsiinta ku amray inuu si degdeg ah hawada ugu soo celiyo warbaahinno xayiraad la saaray.
Waxaa uu garsooraha sheegay in CA ay qaadday tallaabo sharci darro ah.
Waxaa sidoo kale tallaabadii maamulka isgaarsiinta dalka cambaareeyay guddiga qaran ee arrimaha xuquuqul aadanaha.