Garsoore George Dulu ayaa Xasan Maxamad Aadan oo loo yaqaano Dr.Fuuje oo bishii siddeedaad ee sanadkii hore u tartamay xilka barasaabnimo ee ismaamulka Wajeer u oggolaaday codsi ahaa in dib loo baaro 16 goobood oo dheeraad ah kuwaasoo ay dadweynaha Wajeer codadkooda ka dhiibteen.
Waxaa uu horay maxkamadda u gudbiyay oo uu muran geliyay natiijada 27 xarumood ka hor inta maanta aan laga oggolaan 16 kale tani oo tirada guud ka dhigaysa 43.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in dib loo tiriyo codadkii la dhiibtay.
Dr. Fuuje ayaa maxkamadda horay ugu gudbiyay dacwad uu uga soo horjeedo natiijadii uu ku soo baxay Axmad Cabdullahi Jiir.