Maxkamadda oo maanta go’aaminaysa codsiga booliiska ee ka dhanka ah Salim Swaleh iyo eedeysanayaal kale

0
225

Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay maanta go’aan ka soo saarto codsi ay gudbiyeen ciidamada booliiska oo ay ku doonayaan in agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi , Salim Swaleh iyo shan eedeysanayaal oo kale ay xabsiga ku sii jiraan muddo 14 cishe ah.
Laamaha ammaanka ayaa doonaya in ay muddadan gudaheeda ku soo gabagabeeyaan baaritaannada.
Salim Swaleh iyo tuhmanayaasha kale ayaa la xiray Axaddii waxayna ku eedeysan yihiin khiyaano laga soo tabiyay xafiiska madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi.
Shakhsiyaadkan ayaa laga doonaya in ay ka jawaabaan eedeymo ka yimid muwaadiniin u dhashay Imaaraatka iyo Koonfur Afrika.
Ajaaniibtan ayaa muujiyay cabasho ah in laga dhaadhiciyay in ay Kenya imaadaan si loogu fududeeyo helidda qandaraas lagu dhisaya labo ka mid ah garoomada cayaaraha ka hor inta aan sanadka 2027-da la qaban tartamada koobka dalalka Afrika ee AFCON.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshuhu uu ahaa in shakhsiyaadkan laga dhaco ugu yaraan 5 milyan oo shilin oo loogu sheegay qarashaadka diiwaangelinta ka hor inta aan qandaraaska la siin.