Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta go’aan ka soo saari doonto dacwado looga soo horjeedo xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023.
Waxaa go’aanka soo saaraya koox garsoorayaal oo kala ah David Majanja, Christine Meoli iyo Lawrence Mugambi.
Xeerkan ayaa dalka ka dhaqan galay 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Waxaa xilligaasi go’aan lagu hor istaagay dhaqangelintiisa soo saartay garsoore Mugure Thande .
Dacwadaha maanta la sugaya in maxkamadda sare ay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto waxaa gudbiyay senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah iyo 6 kale.
22-kii bishii 6-aad ee sanadkan ayay ahayd markii uu baarlamaanka ansixiyay xeerka maaliyadda iyadoo 26-kii bishaasi uu qalinka ku duugay madaxweyne William Ruto.