Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa maanta go’aan ka soo saari doonto dacwad loo gudbiyey oo looga soo horjeedo howlgelinta 10,000 sarkaal oo booliis ah.
Howshan ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyey ka dib markii uu maxkamadda dacwad geeyay xildhibaankii hore ee deegaanka Kilome, Harun Mwau.
Kiiska ayaa salka ku haya khilaaf u dhexeeya adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) iyo guddiga adeegga qaran ee booliiska ee (NPSC).
21-kii bishan ayay ahayd markii garsoore Hellen Wasilwa lala wadaagay dood ah in guddiga NPSC uu billaabay shaqaaleysiinta saraakiil cusub iyadoo uunan taasi ansixin taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka.
Harun Mwau ayaa ku dooday in sida ku cad farqada 245-aad ee dastuurka Kenya in taliyaha guud ee ciidanka booliiska uu awood buuxda u leeyahay shaqaaleysiinta , dallacsiinta iyo in shaqada laga joojiyo saraakiisha adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in ciidamo booliis oo dheeraad ah la shaqaaleysiiyo 3-dii ilaa 9-kii bishan Tobnaad ee Oktoobar.




