Maxkamadda oo maanta dhageysan doonto dacwad ka dhan ah Waititu

0
230

Waxaa maanta sii socon doono dhageysiga dacwad la xiriirta fal musuqmaasuq oo lagu lunsaday 588 milyan oo shilin taasoo ka dhan ah barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu iyo shakhsiyaad kale.
Shalay ayay ahayd markii agaasimaha shirkadda Charwims Limited uu maxkamadda qaabilsan arrimaha musuqa u sheegay in aan lagu wargelin inuu waayay ama ku guulaystay qandaraas waddooyin lagu dhisayay oo uu ka codsaday dowladda ismaamulka Kiambu.
Kiiskan ayaa loo haystaa Waititu, xaaskiisa Susan Wangari, shirkadda Testimony Enterprises, agaasimayaasheeda iyo eedeysanayaal kale.
Waxaa laga doonaya inay ka jawaabaan eedeynta ah in qandaraaskan 12-kii bishii Labaad ee sanadkii 2018-kii loo bixiyay qaab aan habboonayn.