Maxkamadda oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah safiirro uu magacaabay madaxweynaha dalka

0
273

Qof kenyaan ah oo deggan Ingiriiska ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu uga soo horjeedo tallaabo uu madaxweynaha dalka William Ruto ku magacaabay 46 safiirro ah.
Eliud Matindi ayaa ku doodaya in madaxweynaha uu dastuurka wadanka baal maray.
Matindi ayaa xeer ilaaliyaha guud , Justin Muturi ku eedeyay inuunan madaxweynaha siin talo sharciyeed oo magacaabiddan ku aaddan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka uu ansixiyay magacaabidda 27 ka mid ah safiirradii uu hoggaamiyaha dalka magacaabay in kastoo xeer ahaan la doonayay in dhammaantood la turxaan bixiyo.
Sidoo kale waxaa uu ku doodaya in uunan dhamaan muddo xileedka safiirradii la magacaabay xilligii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta .
Dacwadda ayaa la hor dhigay garsoore Chacha Mwita oo amar ku bixiyay in sidoo kale saddex cishe gudaheeda kiiskan lagula wadaago xeer ilaaliyaha qaranka , baarlamaanka iyo guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC
Xaakinka ayaa intaasi ku daray in dhinacyada ay haystaan muddo toddobaad ah oo ay dacwadda uga soo jawaabayaan.
Kiiskan ayay maxkamadda soo qaadi doontaa 13-ka bisha Diseembar ee sanadkan.