Maxkamadda oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah in qarashaadka adeegyada dowladda lagu bixiyo hal nambar

0
283

Mid ka mid ah shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ka soo horjeestay in qarashaadka la xiriira adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka lagu bixiyo hal nambar.
Waxaa uu maxkamadda u gudbiyay codsi uu ku doonayo inay hor istaagto dhaqangelintan arrinkan.
Amarkan ayaa dhaqangalaya 30-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Prof. Fredrick Ogola ayaa ku andacooday in madaxweynaha dalka William Ruto uu ku tallabo qaaday amar aan dastuuri ahayn oo xadgudub ku ah maamulka maaliyadda ee dadweynaha.
Waxaa uu intaasi ku daraya in arrinkan aan dadweynaha laga qayb gelin.
Garsooraha maxkamadda Hedwig Ongudi ayaa u aqoonsatay in arrintan ay tahay mid degdegn ah.
Dacwaddan ayaa la dhageysan doona 4-ta bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horraantii bishan amray in dhammaan wasaaradaha dowladda dhexe, waaxyaha hoos tago iyo hay’adaha dowliga ah in qarashaadka dadweynaha laga qaado lagu bixiyo keliya nambarka ah 222222.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo dowladda ay soo afjaray isticmaalka 1,448 oo ah nambarrada loo yaqaano Paybill-ka ee ay lacagaha ku bixin jireen shacabka loo fidinaya adeegyada dowladda.
30-kii bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu shaaca ka qaaday nidaam casri ah oo la xiriira bixinta lacagaha adeegyada iyo hannaanka dhijitaalka ee E-citizen oo hadda lagu keydiyay ilaa 5,000 oo ah adeegyada dowladda.