Maxkamadda sare ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay guddi uu soo dhisay madaxweynaha qaranka William Ruto.
Guddiga ayaa loo xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo daryeelka ciidamada booliiska iyo saraakiisha asluubta.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ahayd mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka.
Waxaa uu xaakinka xusay in madaxweyne William Ruto uu ku xadgudbay dastuurka ka dib markii uu keligii soo dhisay guddi ka kooban 23 xubnood oo uu guddoominayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga.
Waxay maxkamaddu caddeysay in go’aammo kasta mise tallaabooyinka ay qaadaan xubnaha guddigan ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.