Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday inay soo saarto amar lagu joojinaya barnaamijka cunnada ardayda ee uu billaabay barasaabka ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja.
Garsoore ,Mugure Thande ayaa sheegtay in barnaamijkan oo la joojiyo ay saameyn ku yeelanaysa carruur badan oo ka faa’iidaysanaya.
Waxay sheegtay in dowladda hoose ee Nairobi iyo hay’adaha la shaqeeya laga doonaya inay ku heshiiyaan qaabka ugu wanaagsan ee qorshahan loo sii wadaya.
Xaakinka ayaa intaasi ku dartay in qofka dacwadda maxkamadda gaysay oo lagu magacaabo Janet Ouko aynan caddeyn khasaaraha barnaamijkan.
Agaasimaha fulinta ee isbeheysiga daryeelka ubadka ee Tunza Mtoto Coalition, Janet Ouko ayaa ku doodaysay in tacliinta ay ka mid tahay shaqooyinka dowladda sare sidaasi awgeedna ay sharci darro tahay in ismaamulka Nairobi uu howshan fuliyo.
Qareenka Ouko ,Maureen Nasimiyu ayaa ku dooday in barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja iyo madaxweynaha dalka William Ruto aynan saxiixan dokumeenti muujinaya in shaqooyinka dowladda dhexe lagu wareejiyay maamulka caasimadda wadanka.
Sidoo kale waxay su’aal gelisay in barnaamijkan la billaabay iyadoo aan dadweynaha laga qayb gelin inay aragtidooda ka dhiibtaan oo loo qoondeeyay ilaa 1.7 bilyan oo shilin.
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo laashay dacwad ka dhan ahayd barnaamijka cunnada ee dugsiyada Nairobi