Maxkamadda oo la geeyay dacwad ka dhan ah amaahda ay dowladdu qaadato

0
297

Waxaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi loo gudbiyay dacwad ku aaddan in dowladda Kenya laga hor istaago inay qaadato amaah lacageed ilaa iyo inta baaritaano hanti dhowr ah looga sameynaya deymihii hore.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay Prof. Fred Ogola oo ah madaxa ururka Linda Ugatuzi.
Sidoo kale waxaa uu doonaya in maxkamadda ay wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ee dalka ee CBK ay ku amarto inay saxaan macluumaadka ku aaddan deymaha qaran ee lagu daabacay shabakadahooda iyo baraha kale.
Prof. Fred Ogola ayaa ku doodaya in isbeddelkii uu baarlamaanka sanadkii 2014-kii ku sameeyay xeerka maareynta lacagaha dadweynaha ee la soo saaray sanadkii 2012 uu dowladda u fududeeyay inay lacago badan amaahato.