Maxkamadda oo ku amartay in EACC ay 10 maalmood gudahood ku celiso hantidii laga qaaday Natembeya

0
427

Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa lagu amray inuu 10 maalmood gudahood ku celiyo hantidii laga qaaday Guddoomiyaha Trans Nzoia George Natembeya, ka dib go’aan maxkamadeed oo xoojinaya mid hore oo buriyay xariggiisa iyo dacwaddiisa.
Garsoore Isabella Barasa ayaa sheegtay in aan la hayn karin hantida iyadoo aan jirin amar maxkamadeed oo hakad gelinaya go’aankii Maxkamadda Sare, waxaa ayna ku adkaysay in go’aannada maxkamadaha si buuxda loo ixtiraamo.
Maxkamadda Sare ayaa hore u go’aamisay in xuquuqda Natembeya la jebiyay, iyadoo dacwaddii lagu tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana la joojiyay tallaabo kasta oo ka iman karta hay’adaha ay ka mid yihiin Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Waaxda Dembi Baarista.
Sidoo kale, Natembeya ayaa la siiyay magdhow dhan 2.5 milyan oo shillin, waxaana la amray in dib loo celiyo lacagtii damiinka ahayd, inkastoo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu racfaan ka qaatay go’aanka, iyadoo aan weli la hakinin fulintiisa.