Maxkamadda sare ee dalka ayaa hakisay in lagu tallaabo qaado amar uu Axadii bixiyay taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Japhet Koome.
Waxaa uu xilligaasi saraakiisha amniga ku amray in ay la tacaalaan dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro ee sameynaya dibadbaxyo uu ku tilmaamay kuwo dhibaato ku ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Hasa ahaate garsoore ,Jairus Ngaah oo ka howlgalo maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa ku dhawaaqay go’aan hakinaya amarkii Koome.
Xaakinka ayaa ka jawaabay dacwad degdeg ah oo ay maxkamadda geeyeen machadka isla xisaabtanka bulsho ee (TISA) iyo 8 urur oo kale.
Garsooraha ayaa amray in dhinacyada ay dacwaddan khuseyso oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee booliiska ay jawaabahooda ku soo gudbiyaan muddo 7 cishe ah.
Arrintan ayay maxkamaddu mar kale soo hadal qaadi doontaa 30-ka bishan Afaraad ee April.
Waxaa amarkii uu bixiyay Koome horay u dhaliilay guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) , ururka qareennada ee LSK, ururka dhakhaatiirta ee KMPDU iyo kuwo kale.
Dhinacyadan ayaa dhammaantood sheegay in taliyaha guud ee booliiska wadanka laga doonayo inuu ilaaliyo in dhakhaatiirta ay xaq u leeyihiin in ay soo bandhigaan tabashooyinkooda iyagoo aan la cabsi gelin.