Maxkamadda oo hakisay xil ka qaadistii barasaabka Meru

0
415

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi looga hor istaagaya inuu ku dhawaaqo inuu bannaan yahay xafiiska barasaabka ismaamulka Meru.
Tani ayaa timid ka dib markii senatarrada ay ayideen xil ka qaadistii guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.
Hasa ahaate, garsoore Bahati Mwamuye ayaa sheegay in aan la shaacin karin inuu bannaan yahay xilka guddoomiyaha ismaamulka Meru ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga dacwad ay gudbisay Mwangaza.
Xaakinka ayaa amar ku bixiyay in arrintan mar kale la soo qaado 17-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Dhinacyada kala duwan ayaa laga doonaya in ay doodahooda maxkamadda u gudbiyaan ugu dambeyn 13-ka Sebteembar.
Sidoo kale, guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi ayaa lagu amray inuu jawaabtiisa gudbiyo 28-ka bishan Sideedaad.
Amarka maxkamadda waxaa sidoo kale ku cad in barasaab ku xigeenka ismaamulka Meru Mutuma M’Ethingia uunan xafiiska guddoomiyaha la wareegi karin.
Kawira Mwangaza ayaa maxkamadda dacwad u gudbisay ka dib markii senatarrada ay ayideen saddex dacwadood oo ka dhan ahaa kuwaasi oo wakiillada golaha hoose ee Meru ay u cuskadeen xil ka qaadisteedi.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa sheegay in Kawira lagu cadeeyay saddex dacwadood .
Dacwadahan ayaa ku saabsanaa in ay dastuurka si wayn ugu xadgudubtay, in ay awoodeeda hoggaamineed ku tagriifashay sidoo kalena ay ku kacday habdhaqan xumo.
Eedda la xiriirtay ku xadgudubka dastuurka waxaa codkooda ku taageeray 26 senatarro ah waxaana ka soo horjeestay 4 iyadoo 14 kale ay ka gaabsadeen in ay u codeyaan.
Dacwadda labaad ee ahayd habdhaqan xumo wayn waxaa u codeeyay 26 senatarro ah, 2 ayaa ka soo horjeestay waxaana ka aamusay 14.
Eedda saddexaad ee ah in ay Kawira Mwangaza, barasaabka ismaamulka Meru ku tagriifashay awoodeeda xafiiseed waxaa codkooda ku taageeray 27 senatarro ah , waxaa ka soo horjeestay hal senatar iyadoo 14 ay ka gaabsadeen.