Maxkamadda oo diiday in la soo afjaro kiis ka dhan ah guddoomiyaha guddiga KRA

0
196

Maxkamadda qaabilsan dhageysiga kiisaska la xiriira musuqmaasuqa ayaa diiday in meesha laga saaro dacwad uu wajahayo guddoomiyaha guddiga maamulo KRA Anthony Mwaura iyo xaaskiisa.
Dacwaddan ayaa loo gudbiyay garsoore Eunice Nyuttu oo ka howlgasho maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Mwaura, barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko iyo 15 eedeysanayaal oo kale ayaa loo haystaa inay sanadkii 2019-kii musuqmaasuqeen 357 milyan oo shilin.
Lacagtan ayaa la rumeysan yahay in laga dhacay dowladda hoose ee caasimadda dalka.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa doonaysay in la soo afjaro kiisaska ka dhanka ah Mwaura balse taasi ayaa laga diiday.