Maxkamadda oo diiday in la joojiyo doorashada ku celiska ee Banisa

0
460

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad la doonayay in aynan deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera ka qabsoomin doorashada ku celiska ee 27-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa go’aamiyey in si wadajir ah loo dhageysto codsi iyo dacwadda ugu muhiimsan.
Waxaa dacwadda maxkamadda geeyay Mohamediin Mohammed oo ka mid ah codbixiyeyaasha Banisa.
Wuxuu doonayay in meesha laga saaro musharraxnimada Ahmed Macallin Xasan oo matalaya xisbiga UDA wuxuuna ku doodayey in shakhsigan uu leeyahay jinsiyadda labo waddan.