Maxkamadda oo diiday in DCI ay baaritaan ku sameyso qareen Omari

0
277

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da uga hor istaagayso inay baaritaan dabagal ah ku sameyso qareenka Danstan Omari.
Tani ayaa timid ka dib markii uu qareenka gudbiyay dacwad uu uga cabanaya in la bartilmaameedsanaya.
Omari ayaa xusay in looga yeeray xarunta dhexe ee DCI-da si uu farriin u qoro.
Waxaa uu ku doodaya in laga dalbaday inuu faahfaahin ka bixiyo arrin uu maalmo ka hor la wadaagay warbaahinta oo ahayd in ciidamada ammaanka ay howlgal ka fuliyeen hooyga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i.