Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah David Majanja ,Lawrence Muhambi iyo Christine Mioli ayaa dhageysanaya dacwad racfaan ah oo looga soo horjeedo tallaabadii ay dowladda dhexe ku dhaqangelisay xeerka maaliyadda ee sanadkan ee uu baarlamaanka ansixiyay.
Waxay doonayaan in xeerkan waxba kama jiraan laga soo qaado.
Shakhsiyaadka dacwadda maxkamadda geeyay ayaa waxaa matalaya qareennada kala ah Otiende Amollo, Okong’o Omogeni, Daniel Maanzo iyo senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah.
Waxay ku doodayaan in baarlamaanka uu ansixiyay xeerka maaliyadda iyadoo aan laga qayb gelin aqalka sare.
Maxkamadda ayaa lagu wargeliyay in 22 qodob oo ka mid ah 84 baarlamaanka la hor geeyay iyadoo aan dadweynaha fursad loo siin inay ka ra’yi dhiibtaan.
Dhageysiga dacwaddan ayaa socon doonto maanta iyo berri.