Maxkamadda oo damaanad u diidday haweeney ku eedeysan in ay ninkeeda dishay

0
181

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi ayaa diidday in damaanad lagu siidaayo Sarah Wairimu Cohen.
Waxaa loo haystaa dilka ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Tob Cohen oo ganacsade ahaa.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii waaxda dacwad oogidda ay ka soo horjeesatay in eedeysanaha lagu siidaayo damaanad.
Wairimu ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay seygeedii ka takhalustay 19-kii bishii Toddobaad ee sanadkii 2019-kii.
Dilka Cohen ayaa xilligaasi ka dhacay aagga Lower Kabete ee ismaamulka Nairobi.
Garsoore Diana Kavedza ayaa sheegtay in saraakiisha waaxda dacwad oogidda ay caddeeyeen in haddii Sarah la siidaayo ay dhici karto in marqaatida kiiskan la cabsi geliyo ama faragelin lagu sameeyo.
Waxay xaakinka amartay in Sarah Wairimu lagu sii hayo xabsiga haweenka ee Langata ilaa la dhageysto labo marqaati oo muhiim ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay dacwaddan mar kale soo hadal qaaddo 26-ka bisha Labaad ee sanadkan.