Maxkamadda oo damaanad ku siidaysay nin lala xiriiriyay Gacmadheere

0
531

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa damaanad lacageed oo dhan 300,000 oo shilin ku siidaysay Cabdi Yuusuf oo ku eedeysnaa inuu xiriir la leeyahay Maxamad Kuno oo ku magacdheeraa Gacmadheere oo lala xiriiriyay qaraxii sanadkii 2015-kii lala eegtay jaamacadda Garissa.
Waxaa maanta go’aankan soo saartay garsoore Agnes Mwangi oo sheegtay in aan la caddeyn eedeymaha ay soo gudbisay waaxda dacwad oogidda.
Waxay xustay in sidaasi awgeed ay caddaalad darro tahay in tuhmanaha loo diido damaanad.
Garsooraha ayaa hoosta ka xarriiqday in nidaamka garsoorka uu qeexaya in qofka uunan dambiile ahayn ilaa iyo inta looga caddeynaya.
Sidoo kale maxkamadda ayaa shaacisay in aan la soo gudbin wax caddeymo ah oo xaqiijinaya in Cabdi Yuusuf uunan u dhalan Kenya balse uu yahay muwaadin soomaaliyeed ka dib markii lagu eedeyay inuu iska dhigay wiilka Raaliya Maxamad sidaasina uu ku helay aqoonsiga qaran.
Waxaa uu iska fogeeyay eedeyn ahayd inuu isbeddel ku sameeyay aqoonsi qaran si uu ugu ekeysiiyo mid sax ah.
Cabdi Yuusuf ayaa horay ku eedeysnaa inuu ganacsade lagu magacaabo Xasan Cali Xasan ka qaatay 5.6 milyan oo shilin ka dib markii uu ka dhaadhiciyay inuu qaaradda Yurub uga soo dejin karo waxyaabaha la isku qurxiyo taaso oo uu ogaa inuunan awoodin.
Waxaa uu hadda bannaanka ku joogaa damaanad iyadoo ay mar kale maxkamadda dacwadiisa soo qaadi doonto 12-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.