Maxkamadda oo dacwad ka dhan ah ciidamada Kenya ee la geynaya Haiti go’aan ka soo saari doonto sanadka dambe

0
254

Waxaa uu qorshuhu yahay in 26-ka bisha 1-aad ee sanadka 2024-ta ay maxkamadda go’aan ka soo saarto dacwad loo gudbiyay oo looga soo horjeedo in 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka la geeyo wadanka Haiti.
Dowladda dhexe ayaa doonaysa in saraakiishan ay dhigooda Haiti garab ku siiyaan la tacaalidda kooxo hubeysan oo halkaasi ka gaysta falal dambiyeedyo.
Madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot oo uu matalaya qareenkiisa Charles Bitenga ayaa maxkamadda u sheegay in qorshaha dowladda uu yahay sharci darro.
25-kii bishii hore ayay ahayd markii ay maxkamaddu soo saartay go’aan dowladda looga hor istaagaya inay qaar ka mid ah booliiska gayso Haiti.
Hasa ahaate go’aanka kama dambeyska ee arrinkan ku aaddan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 26-ka Jannaayo ee sanadka soo socdo.