Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa soo saartay go’aan ah in guddiga adeegga qaran ee booliiska ee (NPSC) uunan awood dastuuri ah u lahayn shaqaaleysiinta saraakiisha cusub ee amniga.
Waxay sheegtay in howlgelinta booliiska ee uu dhawaan guddigan xayaysiiyey ay ahayd mid aan waafaqsanayn sharciga waddanka.
Garsoore Hellen Wasilwa, ayaa go’aamisay in shaqaaleysiinta , tababaridda iyo shaqo ka joojinta booliiska uu keliya sameyn karo adeegga qaran ee booliiska ee (NPS).
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib dacwad uu gudbiyey xildhibaankii hore ee deegaanka Kilome, Harun Mwau.
Kiiska ayaa salka ku hayay khilaaf u dhexeeya adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) iyo guddiga adeegga qaran ee booliiska ee (NPSC).
21-kii bishan ayay ahayd markii garsoore Hellen Wasilwa lala wadaagay dood ah in guddiga NPSC uu billaabay shaqaaleysiinta saraakiil cusub iyadoo uunan taasi ansixin taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in ciidamo booliis oo dheeraad ah la shaqaaleysiiyo 3-dii ilaa 9-kii bishan Tobnaad ee Oktoobar.
 
                
