Maxkamadda oo Arbacada soo hadal qaadi doonto dacwad ka dhan ah Oscar Sudi

0
339

Waxaa uu qorshuhu yahay in Arbacada soo socoto oo ku beegan 3-da bisha Afaraad ee sanadkan ay maxkamadda Milimani qaybteeda qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa ay soo hadal qaado dacwad uu wajahaya xildhibaanka deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu ,Oscar Kipchumba Sudi .
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
EACC ayaa sheegtay in siyaasigan loo haysto inuu isbeddel ku sameeyay shahaado waxbarasho sidoo kalena uu gudbiyay macluumaad aan sax ahayn.