Maxkamadda oo amartay in la baaro khiyaano lala xiriiriyay sarkaal booliis ah
Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa sarkaal baare ah ku amartay inuu maxkamadda ka soo hormuuqdo.
Waxaa askariga laga doonaya inuu faahfaahiyo sida ay ku dhacday in taleefoon ay ciidamadu la wareegeen lambarkiisa qarsoon ee PIN-ka iyo lacag ku jirtay ay ku heleen shakhsiyaad aan la garan taasi oo keentay in lacagta lala baxay.
Waxaa amarka maxkamadda soo saaray garsoore BenMark Ekhubi kadib codsi uu gudbiyey sarkaal booliis oo lagu magacaabo Charles Lotira oo ka mid ah eedeysaneyaal dhowr ah.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa ku lug lahaanshaha falal dambiyeedyo abaabulan oo ka dhacay ismaamulka Turkana oo sida la sheegay hub lagu iibiyay si dhaqaale looga helo.
Lotira oo uu matalaya qareenkiisa Danstan Omari ayaa maxkamadda u sheegay in maamullada ammaanka oo xilligaasi baaritaanno sameynayay ay ka qaadeen taleefoonkiisa gacanta in kastoo dib loogu celiyay.
Hasa ahaate, waxaa uu ku doodaya in muddadii taleefoonka laga haystay la helay lambarkiisa sirta ah ee PIN-ka.
Waxaa uu intaasi ku daray in ka dib markii taleefoonka loo soo celiyay inuu ka war helay in lagala baxay 30,000 oo shilin.
Qareenkiisa ayaa hoosta ka xarriiqay in dhacdadaasi ay tahay mid walaac xooggan laga muujiyo kuna xadgudbaysa ilaalinta xogahaha dhijitaalka ah.
Lotira ayaa sidoo kale dalbanaya in loo yeero shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacagaha la isugu diro.




