Waxaa uu qorshuhu yahay in 25-ka bishan Afaraad ee April ay maxkamadda sare caddeyso sharciyadda guddi uu madaxweynaha qaranka Dr. William Ruto u xil saaray inuu baaritaanno hanti dhowr ah ku sameeyo deymaha lagu leeyahay dowladda dhexe iyo dowladaha ismaamullada.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda loo gudbiyay dacwad looga soo horjeedo tallaabada uu qaaday hoggaamiyaha dalka.
Waxaa dacwaddan geeyay qareen lagu magacaabo Frederick Ogola oo matalaya hay’adda xuquuqul aadanaha ee loo yaqaano Operation Linda Jamii.
Garyaqaanka ayaa ku doodaya in guddigan lagu soo dhisay si aan daahfurnayn lagana muujinaya walaac dastuuri ah.
Ogola oo shalay ka soo hormuuqday garsoore Grace Nzioka ayaa sheegay in lacagaha dowladda lagu leeyahay ee aan la bixin ay khatar ku yihiin dhaqaalaha.
Waxaa uu maxkamadda u sheegay in dowladda sare lagu leeyahay lacag dhan 516 bilyan oo shilin halka deymaha ku maqan dowladaha ismaamullada ay yihiin 182 bilyan oo shilin.
Qareenka ayaa xusay in haddii qandaraasleyda aan lacagahooda la siin uu dalku qarka u saaran yahay dhibaato wayn oo dhaqaale.
Waxaa uu sidoo kale doonaya in si qoto dheer loo qiimeeyo sida guddiga uu madaxweynaha dalka magacaabay uu caqabaddan ku xallin karo.
Garsoore Grace Nzioka ayaa amartay in dacwaddan lala wadaago wasaaradda maaliyadda , xeer ilaaliyaha guud, baarlamaanka iyo hanti dhowraha guud ee dalka.
Waxay xaakinka amar ku bixisay in dhammaan dhinacyada ay dacwaddan khuseyso in ay jawaabahooda soo gudbiyaan ka hor 25-ka April oo ay faahfaahin dheeraad ah soo saari doonto.