Maxkamadda Naivasha oo la xiray

0
437

Waxaa si ku meel gaar ah albaabada la isugu dhuftay xarunta maxkamadda deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru ka dib markii mid ka mid ah howlwadeenada laga helay cudurka COVID-19.
Sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Philomena Mwilu ayaa soo saartay amarka muddo 10 cisho ah lagu xiray maxkamadda.
Mrs. Mwilu ayaa intaa ku dartay in dhammaan kiisaska degdegga ah lagu wareejin doono maxkamadda Nakuru .
Sidoo kale waxay sheegtay in go’aanka maxkamadda Naivasha lagu xiray uu yimid ka dib wada tashiyo badan oo la sameeyay.