Maxkamadda Mombasa oo sharci darro ku tilmaantay mamnuucidda shiishadda

0
175

Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa sharci darro ku tilmaantay tallaabadii ay dowladda Kenya ku mamnuucday shiishadda.
Waxay maxkamaddu fasaxday 48 qof oo bishii 1-aad ee sanadkan loo xiray ka ganacsiga iyo isticmaalka shiishadda.
Garsooraha sare ee maxkamadda Shanzu ee Mombasa ,Joe Mkutu ayaa go’aankan soo saaray.
Waxaa uu xaakinka sheegay in uunan jirin xeer sax ah oo gudaha wadanka looga mamnuucay isticmaalka, soo saaridda , iibinta iyo xayeysiinta shiishadda.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii ay dowladdu go’aankan qaadatay.
Hasa ahaate , garsooraha ayaa hoosta ka xarriiqay in wasiirka caafimaadka uu ku guul dareystay dhaqangelinta amar ay maxkamadda sare bixisay sanadkii 2018-kii.
Waxay maxkamaddu xilligaasi dalbatay in dib u habeyn lagu sameeyo sharciyadii xakameynta shiishadda ee 2017-kii iyadoo baarlamaanka loo gudbinaya si uu u ansixiyo.
2018-kii ayay ahayd markii garsoore Roselyn Aburili ay sheegtay in tallaabadii uu wasiirkii caafimaadka ee xilligaasi Cleopa Kilonzo Mailu wargeyska rasmiga ee dowladda ugu soo baacay in shiishadda la mamnuucay aan loo marin habraaca habboon.
Wasiirka ayaa la siiyay muddo 9 bilood ah oo arrinkan dib loogu eegaya waxayna maxkamaddu sheegtay in go’aankaasi aan la dhaqangelin balse xayiraaddii la saaray shiishadda ay sii jirtay.