Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Mombasa ayaa dhinac iskaga dhigtay codsi racfaan ah oo uu gudbiyay nin loo xiray inuu faraxumeeyay gabadh 9 sano jir ah.
Falkan ayuu gaystay Saddex sano ka hor.
Garsoore Anne Ong’injo ayaa laashay rafcaanka Nyawa Mwabugu Mricheni iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaantay doodiisi ahayd in qaar ka mid ah marqaatida ay soo bandhigtay waaxda dacwad oogidda ay sheegeen warar is khilaafsan.
Saraakiisha dacwad oogidda waxaa matalayay qareen lagu magacaabo Bernard Ngiri.
Dacwadda uu ninkan wajahaya ayaa waxaa horay u dhageystay garsooraha sare ee maxkamadda Shanzu Hon. David Odhiambo oo Nyawa ku xukumay xabsi daa’in.
Hasa ahaate garsoore Ong’injo ayaa xukunkaasi qafiifisay waxayna ku soo reebtay 25 sano oo xabsi ah.




