Maxkamadda Mombasa oo haweeney u dhalatay Tanzania ku xukuntay 45 sano oo xabsi ah

0
225

Maxkamad ku taalla ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa xukun xabsi oo 45 sano ah ku ridday haweeney dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Tanzania.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah ka ganacsiga maandooriyaha nooca heroin oo qiimo ahaan dhan 16,167,000 oo shilin.
Garsoore Martin Rabera ayaa xukunka ku riday Maimuna Jumanne Amir oo lagu cadeeyay inay sidatay 5,389 garaam oo daroogadan ah oo lagu qariyay boorso madow oo ah kuwa lagu safro.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in Maimuna sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan 48,501,000 milyan oo shilin oo ah saddex jibbaar qiimaha xashiishkii lagu helay.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in iyadoo kaashanaysa eedeysanayaal kale oo aan maxkamadda la hor geyn ay dembigan gashay 14-kii bishii Saddexaad ee sanadkii 2021-kii.
Xilligaasi ayaa laga qabtay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee Moi ee deegaanka Changamwe ee ismaamulka Mombasa.
Garsoore Rabera ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda oo uu hoggaaminayay qareenkooda Barbara Sombo, ay kiiskan u soo bandhigeen caddeymo wax ku ool ah si waafaqsan halbeegyada sharciga.
Maxkamadda ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay ilaa 16 marqaati ah oo haweeneyda ku cadeeyay dacwadda lagu soo oogay iyo inay ku sugnayd halka uu dembigu ka dhacay.
Maxkamadda waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday in eedeysanaha ay ku guul darreysatay inay iska beri yeesho eedeymaha loo soo jeediyay taasoo sababtay in xukun lagu rido.