Maxkamadda Milimani oo dhageysatay dacwadda fadeexaddii Arror iyo Kimwarer

0
275

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa qoraal ku sheegtay in maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi qaybteeda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ay maanta dhageysatay kiiska ku saabsan fadeexaddii mashruuca biyo xireennada Kimwarer iyo Arror.
Waxaa su’aallo la waydiiyay marqaatiga koowaad ee dhanka dacwad oogidda Charity Mui .
Charity ayaa garsoore sare Lawrence Mugambi u sheegtay in eedeysanayaasha ay sameyeen wax isdaba marin dhanka qandaraas bixinta ah iyagoo qandaraaska dhisidda labada biyo xireen ee Kimwareer iyo Arror siiyay shirkadda CMC di Ravenna- Itinera in kastoo aynan soo codsan.
Fadeexaddan ayaa lala xiriiriyay wasiirkii hore ee maaliyadda Henry Kiplagat Rotich, agaasimihii hore ee maamulka KVDA David Kimosop iyo 7 tuhmanayaal oo kale.
Waxaa dhammaan loo haystaa inay iska kaashadeen hagardaamo dowladda dalka looga musuqmaasuqay lacag dhan 56,360,501,604.99 oo shilin.
Saraakiisha dacwad oogidda oo uu hor kacayay dacwad oogaha gaarka ah sidoo kalena ah garyaqaan sare Taib Cali Taib ayaa soo bandhigay marqaati dhan 32 si ay dacwaddan ugu cadeeyaan eedeysanayaasha.