Maxkamadda Makadara oo dib loo furay

0
181

Waxaa dib loo furay maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.
Maxkamaddan ayaa la xiray ka dib markii la toogtay garsoore Monica Kivuti oo halkaasi ka howlgaleysay.
Madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa laanta booliiska ee garsoorka ku amartay in ay dhaqangeliso habraacyo adag oo dhinaca ammaanka ah.
Waxaa tallaabooyinkan ka mid ah in shakhsiyaad aan loo fasaxin ay xarunta maxkamadda la galaan hub.
Waxaa keliya iyagoo hubeysan maxkamadda geli kara saraakiisha booliiska ee amniga sugaya.
Garsoore Monica Kivuti ayaa waxaa bartamihii bishii Lixaad ee sanadkan toogtay askari ay xaaskiisa dacwad wajahaysay oo ay xaakinka meesha ka saartay codsi ku aaddaan racfaan oo ay haweeneyda soo gudbisay.
Dhacdadaasi ka dib ayay madaxa waaxda cadaaladda dalka Martha Koome amartay in la xiro maxkamadda Makadara ee maanta dib loo furay ka dib markii amniga la sugay.