Maxkamadda Liibiya oo xabsi ku xukuntay 38 qof oo loo haysto tahriibka

0
250

Maxkamad ku taalla bariga dalka Liibiya ayaa xukunno xabsi oo kala duwan ku riday 38 qof oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dhimasho ka dhalatay dad ay tahriibinayeen oo ku nafwaayay badda Mediterranean-ka.
5 qof oo dadkan ka mid ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.
Waxaa loo haystay dhimashada 11 qof oo isugu jiray soo galooti iyo qaxooti ku wajahnaa Yurub ka hor inta aynan gudaha badda dooni kula degin.
Maxkamadda magaalada Bayda ayaa 9 qof oo kale ku xukuntay min 15 sano oo xabsi ah sida uu bayaan ku sheegay dacwad oogaha guud ee Liibiya Al-Sediq al-Sourr.
Sidoo kale 24 eedeysanayaal ayaa iyagana la xiray min hal sano.