Maxkamadda dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynihii waddankaasi Yoon Suk-yeol oo xilka laga xayuubiyay ka dib markii uu muddo kooban ku dhawaaqay in uu militariga siinayo awood buuxda.
Waxaa amarkan maanta ansixisay maxkamadda galbeedka caasimadda dalkaasi ee Seoul.
Tani ayaa timid ka dib codsi ka yimid xarunta dhexe ee dambi baarista, kuwaas oo baaraya in hoggaamiyihii Kuuriyada Koonfureed uu ku kacay ku takrifal awoodeed iyo kacdoon ka dhan ah maamul dowladeed.
Ma cadda goorta ay mas’uuliyiinta isku dayi karaan inay Yoon u taxaabaan xabsiga.