Maxkamadda Kisumu oo burisay magacaabidda agaasimaha warshadda Chemelil

0
182

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kisumu ayaa soo saartay amar lagu burinaya go’aankii Moses Kiprop Kolum loogu magacaabay agaasimaha guud ee warshadda soo saarta sokorta ee Chemelil .
Waxaa amarka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Stephen Radido.
Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay inay markii magacaabiddan la sameynayay ay jireen qaladaad dhanka habraaca ah.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu maxkamadda dacwad u gudbiyay qof beeraley ah oo lagu magacaabo Michael Sidigu.
Waxaa uu ka soo horjeestay in wasiirka wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dalka Muthika Linturi uu Moses u magacaabay agaasimaha guud ee warshadda Chemelil.
Sidigu ayaa cuskanaya in Kolum uunan warshaddaasi hoggaamin karin maadaama ay da’diisu tahay 58 sano halka xeerarka shaqaaleysiinaya ay qeexayaan in agaasimaha guud aynan da’diisu ka sarreyn karin 56 sano.