Maxkamadda deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi ayaa xukun dil ah ku ridday Samuel Macharia Muthoni oo loo yaqaano Samido.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay inuu gaystay falal dhac ah oo awood loo adeegsaday.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa laga soo xigtay in 8-dii bishii Koowaad ee sanadkan ay Samuel iyo eedeysanayaal kale ay taleefoonkiisa gacanta ka dhaceen Geoffrey Omweri Ontita oo xilligaasi ku sugnaa deegaanka Dagoretti ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa ay xilligaasi waxyeello gaarsiiyeen dhibbanaha oo ay wajiga uga dhufteen jubadda lagu cabbo khamrada.
Waaxda dacwad oogidda ayaa soo bandhigtay ilaa 5 marqaati ah oo ku marqaati kacay Samuel.
Waxay tani micnaheedu tahay inuu xabsiga ku jiraya ilaa uu ka geeriyoodo maadaama aan waqti xaadirkan gudaha Kenya laga adeegsan xukunnada dilka.