Maxkamadda ICC oo diiday dalabkii Israa’iil ee ahaa in la joojiyo baaritaanka dambiyada dagaalka ee Qaza

0
71

Xafiiska racfaanka ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ayaa diiday mid ka mid ah isku dayada sharciga ah ee Israa’iil ay ku doonaaysay inay ku hor istaagto baaritaan ku saabsan falalkeeda dagaalkii xasuuqa ahaa ee ka dhanka ahaa dadka Falastiiniyiinta ee Qaza, taasoo dhaawac ku ah dadaallada Israa’iil ay ku doonayso inay ku joojiso kiiska.
Go’aankooda ay soo saareen Isniintii, garsoorayaasha ayaa diideen inay laalaadaan go’aan maxkamad hoose ah oo u oggolaanaya xeer ilaaliyaha ICC inuu baaro dambiyada lagu eedeeyay ee dagaalka Israa’iil ee Qaza ka dib weerarkii ka dambeeyay 7-dii bishii October ee 2023-kii.
Go’aankan ayaa waddada u xaaraya sii socoshada baaritaanka Falastiin ee maxkamadda, kaasoo horseeday in la soo saaro warqado xarig bishii Nofeembar ee sannadkii hore ee dhan ah Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Israa’iil ayaanan aqoonsaneen awoodda maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague waxaa ayna si isdaba joog ah u beenisay inay gashay dambiyo dagaal oo ka dhacay Qaza.
Rafcaanka ayaa diiradda lagu saaray in dacwad oogaha ICC-da looga baahnaa inuu soo saaro ogeysiis cusub oo loo dirayo Israa’iil ka hor inta uusan baarin dhacdooyinkii dhacay ka dib 7-dii October ee 2023-kii. Israa’iil ayaa ku doodday in weerarkii ka dambeeyay bishii Tobnaad ee Qaza uu ahaa xaalad cusub, taasoo ay kicisay gudbin dheeraad ah oo ay maxkamadda u gudbiyeen toddobo waddan oo kale tan iyo bishii Noofambar 2023-kii, oo ay ku jiraan Koonfur Afrika, Chile iyo Mexico.
Garsoorayaasha ayaa diideen dooddaas, iyagoo go’aamiyay in ogeysiiskii asalka ahaa ee la soo saaray sanadkii 2021-kii markii ICC ay si rasmi ah u furtay baaritaankeeda dambiyada uu horey u daboolay dhacdooyinkii dambe.