Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta go’aan ka gaareysa kiiska ninka ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii

0
237

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta la filayaa abaare 12-ka duhurnimo inay go’aan ka soo saarto kiiska dacwadda loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ah nin ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay Xaaskiisii, ka dibna geeriyootay.
Kiiskan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu adkaa ee soo mara garsoorka Soomaaliya, waxaana si weyn u daneynaya go’aanka ay maxkamadda gobolka Banaadir ka soo saari doonto kiiskan shacabka Soomaaliyeed.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horay u muddeysay in maanta ay soo saari doonto go’aanka xukunka kiiskan.
Waxaa xusid mudan inaan wali la aasin maydkii gabadha la gubay oo uu ku jiro muddo 30 cisho ka badan Firinjeer, ka dib markii qoyska gabadha la gubay ay sheegeen in mar qura lawada aasi doono gabadhooda iyo ninka gubay.
Xukunka ay maanta maxkamadda gobolka Banaadir ka soo saari doonta kiiskan adag noocu noqdaba, waxaa ka dib u furnaan doona labada dhinac inay qaadan karaan racfaan, taasoo ka dhigan haddii labada qoys uu midkood racfaan qaato in kiiska loo gudbin doono maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir.
La soco wixii ku soo kordha warkan.