Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhageysaneysa eed loo haysto labo agaasime

0
296

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u farriisatay dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, kuwaaas oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay musuqmaasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku takrifal awood xafiiseed.
Mas’uuliyiinta dhageysiga dacwadooda haatan socoto ayaa waxay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamad Cali Suldaan iyo Agaasimahii ka horreeeyay Xafiiska Maxamad Cadde Muqtaar.
Ugu horreyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa goobta ka akhriyay eedda loo haysto labada agaasime, taas oo ah musuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku takrifal awood xafiiseed.
Eedeysanaha koowaad oo ah Cabdullaahi Maxamad Cali ayaa waxaa lagu soo eedeyay inuu qaatay lacag dhan 8,667,220 oo doolar, taas oo la waayay intii u dhexeysay 6-dii bishii Siddeedaad ee sanadkii 2020-kii ilaa 20-kii bishii Afaraad ee sanadkan.