Waxaa maxkamada gobolka Banaadir ka socoto hadda dhageysiga dacwadda eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu Muqdisho ku gubay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo geeriyootay.
Maxkamadda waxaa ku wada sugan ehellada gabadhii nolosha lagu gubay Luul Cabdicasiis oo xaamilo ahayd, kuwa eedeysanaha iyo dadweyne kale.
Xafiiska Xeer ilaalinta dowladda Federaalka oo dacwadda ku soo oogtay Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa caddeymo hor leh iyo marqaatiyaal kale ay hor keeneen Maxkamadda, sida lagu balamay fadhigii koowaad ee dhageysiga kiiskaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay inaan la dooneyn in wakhti badan uu qaato kiiska maxkamadeynta Sayid cali Macallin Daa’uud, islamarkaana la doonayo in go’aan degdeg ah laga gaaro.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa Maxkamadeynta kiiskan iyo go’aanka Maxkamaddu ka gaari doonto si weyn indhaha ugu wada haayo, maadama kiiskan uu ahaa mid ay ka wada argagaxeen dadka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan inaan wali la aasin meydka Luul Cabdicasiis oo uu ku jiro Firinjeer, ka dib markii qoyskeeda ay sheegeen inaan la aasi doonin Luul Cabdicasiis ilaa ay cadaalad ka hesho.
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda gobolka Banaadir oo ay ka socoto dhageysiga dacwadda eedeysane Sayid Cali