Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo xukuntay darawal gaari iyo xasaaska xubno ka tirsan Al-Shabaab

0
350

21-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ciidamada nabadsugidda ku qabteen Nambar-50 Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo xaasas Shabaabka ugu safra Duurka.
8-dii bishan ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kasto ku xajisan karo caddeymihiisa
Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yuusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Saddex sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay inuu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin haweenkan muddo labo sano ah oo ay Boliiska isha ku hayn doonaan la socodkooda, Khadro Maxamad Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiqdoon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cabdi.
Waxay Maxkamadda siidaysay Maxamad Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga baaburka, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.