Maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka oo laga furay Naivasha

0
190

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ka hirgelisay maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu ballaarinaya adeegyada waaxda garsoorka ee dalka.
Martha Koome ayaa intaasi ku dartay in tallaabada ay qaadeen ay sidoo kale ku saleeyeen baahiyaha iyo dalabaadka bulshada.
Madaxa cadaaladda ee dalka ayaa sheegtay inay rajeynaysa in maxkamadda laga furay deegaanka Naivasha ay dadweynaha halkaasi ku nool ka haqabtirto in qaab cadaalad ah loo maareeyo murannada deegaanka iyo kuwa dhuleed.